Golaha wasiirrada oo maanta ka shiray ammaanka dalka
Shirka golaha wasiirrada ee maanta oo uu shir godoominayay ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamed Sheekh ayaa looga hadlay amaanka dalka.
Shirka caadiga ah ee golaha wasiirrada ayaa intiisa badan diirradda lagu saaray ammaanka iyadoo ay shirka ka qeybgaleen dhammaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida oo iyagu golaha warbixin ka siiyay xaaladda amniga dalka iyo sida wax looga qaban karo.
Golaha ayaa shirki maanta uga arrinsaday fulinta xoojinta istiraatiijiyadda ka dhanka ah la dagaallanka argagixisada, iyadoo dhawaan xukuumaddu ay lacago dul dhigtay 11 horjooge oo ka mid ah kooxda UGUS.
Shirka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay tayeeynta ciidanamada qalabka sida si dalka looga sifeeyo kooxda gummadka ummadda Soomaaliyeed, UGUS.