Xildhibaanno Dowladda Soomaaliya Ugu Baaqay In Ay Badbaadiso Soomaalida Dhibka Ku Heysto Koonfur Afrika

0
Thursday April 23, 2015 - 09:29:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanno Dowladda Soomaaliya Ugu Baaqay In Ay Badbaadiso Soomaalida Dhibka Ku Heysto Koonfur Afrika

    Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibaatada dalka Koonfur Afrika loogu geysanayo dadka soo galootiga ah ee dalkaasi ku dhaqan oo ay Soomaalidu ku jirto, iyagoona ugu baaqay Soomaalida ku nool dalkaasi in ay dib ugu soo laa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibaatada dalka Koonfur Afrika loogu geysanayo dadka soo galootiga ah ee dalkaasi ku dhaqan oo ay Soomaalidu ku jirto, iyagoona ugu baaqay Soomaalida ku nool dalkaasi in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo.

Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo xubin ka ah Ururka Baarlamaanka Africa ayaa si aad ah u cambaareeyay dhibaatada lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo Dowladda Soomaaliyeed ugu baaqay in dadkaasi ay bad baadiyaan, waxaana dhinaca kale uu sheegay in ay ka hadli doonaan Shirka ururka Baarlamaanka Africa ayna hordhigi doonaan Dhibaatada lagu hayo Dadka ku nool ee u dhashay Qaaradda Africa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa isna wax laga xumaado ku tilmaamay Dhibaatada Dadka Soomaaliyeed ee Ku Nool Dalka Koonfur Africa xili uu sheegay in Soomaaliya ay ka qeyb qaadatay helida xornimadooda oo halgan dheer ay u gashay.

Maalmihii la soo dhaafay Ayaa dadka u dhashay dalka Koonfur Africa waxa ay dhibaato ku hayeen dadka soo galootiga ah ee u dhashay Qaaradani Africa taasi oo caqabad ku noqotay dadkaasi, iyadoo madaxda Qaaradana ay si aad ah u cambaareeyeen falalkaasi ka baxsan bini’aadanimada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip