Madaxwaynaha Kenya oo Kulan Sagootin Ah U sameeyay Danjire Maxamed Cali Ameriko

0
Thursday April 23, 2015 - 09:26:23 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Kenya oo Kulan Sagootin Ah U sameeyay Danjire Maxamed Cali Ameriko

    Danjirihii hore ee dowladda Soomaaliya u fadhiyey dalka Kenya Amb Maxamed Cali Nuur Americo ayaa maanta la kulmay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta kulankan oo ahaa kulan sagootin ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha dibada ee dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjirihii hore ee dowladda Soomaaliya u fadhiyey dalka Kenya Amb Maxamed Cali Nuur Americo ayaa maanta la kulmay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta kulankan oo ahaa kulan sagootin ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya Amb Amina Maxamed Jibriil iyo mas'uuliyiin kale oo tirsan dawlada Kenya .

Kulankani oo ka dhacay madaxtooyada Kenya ayaa danjirihii hore ee dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya waxa uu uga mahadceliyey Madaxwayne Uhuru kenyatta iyo wasaaradda Arrimaha dibada ee dalka Kenya sidii wanaagsaneyd ee ay u wada shaqayeen iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada wadan .

Madaxwyne Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa isna uga mahadnaqay Amb Americo mudadii dheereed ee uu xilka hayay sidii wanaagsaneyd ee uu uga shaqeeyey hagaajinta xiriirka Qotada dheer ee ka dhexeeya labada wadan .

Amb Americo ayaa dhanka kale ugu baaqay danjiraha cusub ee dhawaan dowladda Soomaaliya u  magacowday dalka Kenya in uu meesheeda ka sii wado hagaajinta xiriirka siyaasadeed ee ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip