
Raysal wasaare Cumar C/rashiid iyo dhigiisa Kenya oo rajo ka muujiyay in dib loo furo Xawaaladaha Soomaaliya ee dhowaan Dowlada Kenya xayiraada saartay.
iyo Madaxweyne Kuxigeenka Kenya William ruto ayaa ka wada hadlay sidii Kenya ay dib ugu furi laheyd Xawaaladaha Soomalida ee Dalka Kenya islamarkaana Kenya ay Xayiraada ku soo rogtay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukumadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya iyo Madaxweyne Kuxigeenka Kenya william ruto ay Arrimahaasi kawada hadleen,waxaana uu Hadliye sheegay in ay rajo ka qabaan in dib loo furo Xawaaladahaasi oo dad badan ay ku tiirsanaayeen.
Sidoo kale Waxaa la filayaa in Dalka Kenya ay ku kulmaan Madax ka kala socota Soomaaliya,Kenya iyo UNHCR kuwaas oo ka hadli doona Xaalada Qaxootiga Soomaalida ee Kenya kunool,iyadoo la Xasuusto in Heshiis Saddex geesood ah ay Dhinacyadaan horay u gaareen,inkastoo Kenya ay Waqti kooban u qabatay Qaxootiga Soomaalida in la raro.
Dowladda Kenya ayaa Xayirtay Lacagaha 86 Shaqsi iyo 13 Xawaaladood kadib Weerarkii Gaarissa oo ay ku dhinteen 147 Qof.
Raysal wasaare Cumar C/rashiid iyo dhigiisa Kenya oo rajo ka muujiyay in dib loo furo Xawaaladaha Soomaaliya ee dhowaan Dowlada Kenya xayiraada saartay.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake