
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo maanta la dhaariyay
Saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa kula darmaarmay saraakiisha maanta la dhaarinayay in ay u hogaansamaan sharciyada ciidan ee dalka u dagsan iyo in ay qaranka si daacad ah ugu adeegaan.
Taliyaha Dugsiga tababarka ee jaziira Gaashaanle Sare Axmed Ibraahim Nuune ayaa saraakiisha maanta dhaariyay in si wanaagsan u guto waajibka kasaaran difaaca qaranka isla markaana daacad u noqdaan askarta ka tirsan ururka uu taliyaha uu ka yahay.
"Had iyo jeer ku dadaal in ay si aad iyo aad u xadidid askarigaaga dhismihiisa adiga ayaa dhisi kara oo wadan jaceyl ku abuuri kara laakiin hadii garaadkiisa aad ka cuntid oo aadan siinin mushaarkiisa ma xukumi kartid” ayuu sheegay Nuune.
Madaxa hogaanka tababarada ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Xasan Maxamed Nuur ayaa u sheegay in saraakiishan in si daacadnima ah dalka ugu adeegaan.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo maanta la dhaariyay
Kulankan lagu dhaarinayay ilaa 58 sarkaal oo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Dugsiga tababarka Ciidanka ee Jazeera oo ku yaala duleydka magaaladda Muqdisho,waxaana kulanka ka qeyb galay hogaanka tababarada e