Ciidamada amniga oo baadi goobaya rag dil Dhuusamareeb ugu geystay askar ka tirsan Ciidamada Xooga

0
Monday April 20, 2015 - 10:46:14 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada amniga oo baadi goobaya rag dil Dhuusamareeb ugu geystay askar ka tirsan Ciidamada Xooga

    Ciidamada dowladda ayaa baadi goobaya kooxo hubeysan oo shalay gelinkii dambe labo askari ku dishay magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda ayaa baadi goobaya kooxo hubeysan oo shalay gelinkii dambe labo askari ku dishay magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo....

Madaxa Amniga ee degmada Dhuusamareeb Mahad Khaliif Rooble ayaa sheegay in ciidamada ay howl gallo ka wadaan gudaha magaalada Dhuusa Mareeb, halkaasoo ay ka baadigoobayaan dableydii falka dilka geysatay.

"Shalay gelinkii dambe ayaa kooxo hubeysan waxay magaalada ku dileen askar, ciidamadana waxay wadaan howlgallo ay ku baadigoobayaan kooxihii dilkaas geystayā€¯ayuu yiri Madaxa Amniga Dhuusamareeb

Mahad Khaliif Rooble ayaa sheegay in aanay dhicin waligeed in dad lagu dilo magaalada, kuwii dilayna ay baxsadaan, waxaana uu ka codsaday shacabka deegaanka inay gacan ku siiyaan ciidamada amniga sugida amniga iyo sidii looga hortagi lahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip