Maxkamadda sare ee ciidamada oo xukun ku riday askar ka tirsan C.X.D

0
Monday April 20, 2015 - 10:09:46 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda sare ee ciidamada oo xukun ku riday askar ka tirsan C.X.D

    Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil iyo xabsi ciidan ku riday askar ka tirsan ciidanka, kadib markii maanta la horgeeyay racfaan ay ka qaateen Maxkamadda darajada Koowaad oo horey xukunno kala duwan ku riday...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun dil iyo xabsi ciidan ku riday askar ka tirsan ciidanka, kadib markii maanta la horgeeyay racfaan ay ka qaateen Maxkamadda darajada Koowaad oo horey xukunno kala duwan ku riday...

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida:-

Markay aragtay: Racfaanka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qabka sida ee lana xiriirta, 1. Dable Xoogga Cabdullaahi Foox foox oo maqane ah, 2. Xidigle xoogga Axmed Biyoole Xasan 35 jir ah, Ina Aamino Maxamed, ku dhashay Shabeelaha Dhexe,

Markay aragtay: Qodobka 434aad xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, qodobka 19aad xeerka Ciqaabta ciidamada iyo qodobka 306 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed,

Markay aragtay: Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida Nambarkiisu yahay, LR/MCQS719, 2015, taariikhdiisuna tahay 21.03.2015, kuna xakuntay xukunsanayaasha kala ah 1.Dable Xoogga Cabdullaahi Cali Foox Foox oo maqane ah 50 halaad oo geel ah, ahna diyadii Marxuumad Aamino Cabdullaahi Siyaad, 2. Xidigle Axmed Biyoole Xasan in xabsiga laga sii daayo.

Gaashaanle sare Liibaan Cali Yarrow Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa intaasi kaddib ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda sare ee ciidamada, waxaana uu yiri "Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida waxa ay baabi’isay xukunkii Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida horey ugu xakuntay dable Cabdullaahi Cali Foox foox oo maqane ah, waxayna Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay dil toogasho ah, ahna qisaastii Marxuumad Aamino Cabdullaahi Siyaad, 2. Xidigle xoogga Axmed Biyoole Xasan 35 jir ah, Ina Aamino Maxamed, ku dhashay Shabeelaha Dhexe, la soo xiray 27/12/2014, waxayna maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay 3 sano oo xabsi ciidan ah, oo ah fakintii uu fakiyay xukunsane Dable Xoogga Cabdulaahi Cali Foox foox”.

Maxkamadda ayaa sidoo kale Cabdulaahi Xasan Cadaan ku xakuntay dil toogasho ah oo ah qisaastii Marxuum Ex-dable Xoogga Rajab Cabdullaahi Maxamed oo uu horey u dilay, waxaana taliyaha Xabsiga dhexe la faray in xabsiga ku sii hayo xukunsanayaasha sare ku xusan

Halkan ka dhageyso Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada oo ku dhawaaqaya xukunka.

vlcsnap-2015-04-20-08h33m38s209vlcsnap-2015-04-20-08h33m50s72vlcsnap-2015-04-20-08h34m02s188

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip