Ciidanka amniga oo toogasho ku dilay kooxo ka tirsan UGUS (Alshabaab)

0
Monday April 20, 2015 - 08:53:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka amniga oo toogasho ku dilay kooxo ka tirsan UGUS (Alshabaab)

    Ciidamada hay'adaha amniga ee dowladda ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay toogasho ku....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada hay'adaha amniga ee dowladda ayaa howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay toogasho ku....

dileen labo horjooge oo ka tirsan Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS iyo maleeshiyaad kale oo la socday.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Yuusuf oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in ciidanka amniga ay toogasho ku dileen labo horjooge oo lagu kala magacaabi jiray Daahir Warsame oo ay Shabaabku u yaqaaniin (Cabdullaahi Firdhin) iyo Horjooge kael oo isna la oran jiray Xasan Sacdi iyo saddex kale oo ilaalo u ahayd horjoogayaasha la dilay.

"Ciidanka oo xog ka helaya shacabka waxa ay goordhaw howlgallo ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Dhexe ku toogteen labo horjooge iyo saddex kale oo ilaalo u ahayd, Labo horjooge mid waxa uu Shabaabku u qaabilsanaa amniyaadka, halka kan labaadna uu u qaabilsanaa dhabka jabhadaha, kuwaasi oo dhibaatooyin ku hayay shacabka ku nool deegaanno ka tirsan gobolkaasiā€¯ ayuu yiri Afhayeenka.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip