
Kusimaha Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo la kulmay Safiirka Turkiga
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka waxaa diirada lagu saartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Turkigu uu ka wado Soomaaliya.
Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulan ka dib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu warbixin ka siiyay howlaha adag ee golaha shacabka Soomaaliya ay ku guda jiraan isla markaana bishan gudaheeda uu furmi doono Kalfadhiga 6 aad ee goalaha shacabka.
Sidoo kale Mudane Jawaari ayaa safiirka Turkiga ka lahadlay dib u dhiska dowladda Turkiga ay ku sameyn doonto xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, ayagoo isla soo qaaday heshiis kalhore dhex maray labada Baarlamaanka kaas oo ku saabsanaa wada shaqeyn iyo Iskaashi.
"Waxaa safaaradda Turkiga laga codsaday in ay kor u qaado arimaha dib u eegista Dastuurka arimaha dimoqraadiyeynta Soomaaliya arimaha amniga qaranka wuxu gudoomiyuhu ku booriyay in gacan la siiyo hay’adaha fulinta sababtoo ah Baarlamaanka waxaa uu kala xisaabtamaa wixii wax qabad ah iyo wixii dhaliil ah” ayuu yiri Mahad.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgen Baker ayaa dhankiisa balan qaaday in arimaha uu maanta kala hadlay Afahayeenka Baarlamaanka Soomaaliya uu gaarsiin doono dowladiisa.
Dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka ka wada mashaariic horumarineed iyo kuwo gargaar oo ay ku caawinayso dadka danta yare e Soomaaliyeed.
Kusimaha Madaxweynaha Dalka mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo la kulmay Safiirka Turkiga
Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan "Jawaari" ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgen Baker waxayna ka wadahadleen arimo ku quse