
Wasiirka Dastuurka oo laamaha ammaanka ku amray inay cadaalada hor keenaan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaan Aadan Xaaji
Xuseen Maxamuud Sh, Xuseen Wasiirka Dastuurka dalka ahna Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, ayaa sheegay in laamaha ammaanka laga doonayo inay cadaalada hor keenaan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaankaasi.
Inkastoo dilka Xildhibaankaasi masuuliyadiisa ay sheegteen Shabaabka Soomaaliya ka dagaalama oo tilmaamay inay muddo ku daba jireen Xildhibaankaan shalay Muqdisho ay ku dileen.
Wasiirka Dastuurka Soomaaliya ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay dilka Xildhibaankaasi ka tirsanaa Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland.
"Anigoo ku hadlaya Magaca Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, Magacayga, iyo kan Xukuumadda Waxaan ka tacsiyeeynayaa dilkii Xildhibaan Aaden Xaaji Xuseen oo shalay gacan ka xaq daran ku dishay magaalada Muqdisho. Waxaan Illaah uga baryayaa in uu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii iyo ehelkii uu ka tegay” ayuu yiri Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha.
Shalay ayeey aheyd markii Xildhibaankaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland lagu beegsaday Degmada Hodan, xilli baabuurkii uu watay Baabuur kale lagu hor jaray, kadibna lagu rasaaseeyay.
Wasiirka Dastuurka oo laamaha ammaanka ku amray inay cadaalada hor keenaan cidii ka dambeysay dilka Xildhibaan Aadan Xaaji
iyadoo shalay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka lagu toogtay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Maamulka Puntland oo lagu magacaabi jiray Aadan Xaaji Xuseen, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay amartay in baaris lagu sameeyo cidii ka dam