Saacadaha Soo socdo ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Dalka Soomaaliya uu Urdun uga qeyb gallo shir looga hadlayo qatarta argagixisada.

0
Sunday April 19, 2015 - 09:10:01 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saacadaha Soo socdo ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Dalka Soomaaliya uu Urdun uga qeyb gallo shir looga hadlayo qatarta argagixisada.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Boqortooyada Urdun ayaa maanta ka qayb galaya shir looga hadlayo qatarta kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Boqortooyada Urdun ayaa maanta ka qayb galaya shir looga hadlayo qatarta kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan caalamka.

Shirka oo ay isugu imanayaan madaxda qaar ka mid ah waddamada Afrika, si Jabuutim Kenyam Tanzania iyo kuwa Carabta, ayaa lagu gorfeyn doonaa qaababka ugu haboon looga hortagi karo qatarta argagixisada iyo sidii la isaga kaashan karo sugidda ammaanka.

Afhayeenka Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys oo la hadlayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa tilmaamay in shirkan uu ahmiyad u leeyahay dalalka ka qeyb galaya, waxaana uu ku saabsanyahay iskaashiga dhanka Nabadgelyada iyo isdhaagsiga qiradaha dal waliba uu u leeyahay  la dagaallanka argagixisada.

"Shirkan waxa uu ku saabsanyahay iskaashiga dhanka amniga ah oo ay yeelanyaan waddamada ka qeybgalaya iyo qaabka ugu haboon ee jawaabta deg deg ah looga bixin karo xaaladaha amni darro ee ka jirta dalalka geeska Afrika iyo dalalka ay saameeyeen dhinac argagixisada, waxaana looga hadlaya amniga guud ee dalalka caalamka iyo isdhaafsi qibrado la xiriira sida looga hortagi karo argagixisada”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in shirka uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda amni ee dalka iyo qibradda ay dowladdu u leedahay la dagallanka argagixisada





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip