Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan oo lagu qabtay Munaasabad aaad u qiimo badan oo lagu xusayay maalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

0
Sunday April 19, 2015 - 08:20:58 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan oo lagu qabtay Munaasabad aaad u qiimo badan oo lagu xusayay maalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

    Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo Munaasabad lagu xusayay Maalinta Ciidanka Xooga Dalka ku qabatay Magaalada Khartoum..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo Munaasabad lagu xusayay Maalinta Ciidanka Xooga Dalka ku qabatay Magaalada Khartoum.. Munaasabadani oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay Jaaliyada Ardayda iyo gudoomiyaha dagmada xamar jajab oo marti ku ah dalka sudaan kana mid ah dadkii wax ku bartay dalka sudaan ayaa waxaa dadkii ka soo qeyb galay wajiyadooda ka muuqatay taageerada ay u hayaan ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyadoo dhanka kale munaasabadaasi ay qeeb ka ahaaayeen tiro saraakiil ah oo iyana towabar mudo sanad ah uga socday dalka sudaan uso gaba gaboobay.

Sidoo kale waxaa dhanka Safaaradda oo Munaasabadda Soo abaabushay goob joog ka ahaa siihayaha Safaaradda Mudane Ibrahin Guure Maxamed, iyo Uqaynsaha Warfaafinta Mudane Fiidow Maxamuud Fiidow iyo diblumasiyiin kale, iyadoo sidoo kale goob joogayaal ka ahaayeen Saraakiil ciidan oo Khartoum tababar ugu socdo.


Sidoo kale munaasabadda ayaa loogu dabaal dagay 30 askari oo dhawaan layli sargaalnimo ku dhamaystay mid ka mid ah Jaamacadaha Suudaan ku yaala.

Cabdulaahi Ciise waxa uu ka mid yahay saraakiisha u soo idlaatay tababar in muda ah uga socday dalka sudan waxa uuna sheegay in uu ku faraxsanyahay ka mid noqoshaha uu ka mid noqday ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed waxaana balan ka qaaday ayuu yiri alle taa oo ah in aan dalkayga ka samata bixiyo dhibaayoooyinka

Kabtan Maajid oo ka mid ahaa Ganaraaladii Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliya burburkii ka hor ayaa isna ku dheeraaday taariikhda Ciidanka xooga Dalka Soomaaliyeed isagoo sheegay in ciidanku mudanyahay in la taageero mar walbo si ay u helaan dhiirigilinta shacabkooda taas oo keeni karta buu yiri in iyagana u hagar baxaaan shacabkoooda waayo askarigu waxa uu ka imaadaa shacabka waxa uuna wax ku yahay shacabkiisa marka uu taageero ka heesto

Gabagabadii munaasabada ayaa waxaa soo afjaray Siihayaha ahna Lataliyaha koowaad ee Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane Ibraahim Guure Maxamed isagoo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay taageeraan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed dhanka kalana waxa uu uu aqoonyahanada reer sudan ka codsaday in ay ku biiraan ciidanka xoogadalka soomaaliyed si buu yiri loo gaaro xasilin taam ah oo ka hirgasha gayiga sooomaaliya













Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip