
Madaxweynaha oo shir ku saabsan arrimaha Amniga kaga qeyb galaya dalka Urdun
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Aqaba ee dalka Boqortooyada Urdun, halkaasoo uu kaga qeyb galayo shir madaxeed caalami ah oo ku saabsan iskaashiga dhinaca amniga.
Shirkan oo ay isugu imaanayaan madaxda qaar ka mid ah waddamada Afrika iyo kuwa Carabta, ayaa lagu gorfeyn doonaa qaababka ugu habboon ee deg degga ah, ee dalalkan isaga kaashan karaan sugidda ammaankooda iyo kan caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Aqaba ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Boqortooyada Urdun, waxaana la filayaa inuu sidoo kale kulamo la qaato, madaxda ka qeybgaleysa shirkan.
Madaxweynaha oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa sii maray dalka Turkiga, waxaana Madaxweynuhu ka hor inta aanu dalka ka dhoofin waxaa uu furay shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo Khamiistii ka furmay Cadaado.
Madaxweynaha oo shir ku saabsan arrimaha Amniga kaga qeyb galaya dalka Urdun
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Aqaba ee dalka.