
Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Oo Xalay Kormeeray Isgoysyada Magaalada Muqdisho
Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo
sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan
Maxamed Tuuryare ayaa xalay Saqdii dhexe Kormeeray Xaruumaha
Ciidamada Qalabka sida ee magaalada Muqdisho islamarkaana gudanayay waajibaadka
Qaran ee Dalka iyo dadka ay u hayaan si uu ugu kuur galo Xaalada Amni ee
magaalada Muqdisho.
Taliyaha Hey’adda NISA Ayaa
kormeerkiisa ka bilaabay Isgoysyada Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka
weydiinayay Ciidamada oo Isugu jira Boliiska iyo Nabad sugida Xaalada Ammaan
iyo sida ay u sugayaan Ammaanka, iyadoo Ciidamadaasi ugu warbixinayay Howsha
baaxadda leh ee xiligaasi ay u taaganyihiin.
Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo
Sirdoonka Qaranka ayaa meelaha uu booqday waxaa ka mid ah wadada Maka Al
Mukarama iyo wadada isku xirta Garoonka Aadan Cadde iyo KM4, waxaana halkaasi
uu kula kulmay Ciidamo ka tirsan NISA, iyadoo saraakiisha Ciidan ee ku howlanaa
sugida ammaanka ay warbixin ka siiyeen sida ammaanka uu yahay oo ay u sheegeen
in xaaladda amni ay tahay mid wanaagsan.
intaasi kaddib Taliyaha Taliyaha Hey’adda
Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan
Maxamed Tuuryare waxaa uu
u jiheystay Dhanka Madiina oo ugu tagay Ciidamo ka Tirsan NISA oo Xarun amni oo
ku taala inta u dhexeysa Garoonka Aadan Cadde iyo Madiina ku sugnaa, iyadoo
warbixin uu ka dhageystay Sarkaalka Ciidankaasi madaxda u ahaa oo u sheegay in
Xaalada amni ay wanaagsantahay waxaana talo uu ka siiyay Taliyaha Sugida
amniga.
Taliyaha oo ilaa saakay Waabarigii
ku guda jiray kormeerkiisa la xiriira Sugida amniga ayaa Booqday xarunta KMG ah
ee Wasaaradda Amniga oo ay u soo jeedaan sidii amniga wasaaradda ay u sugi
lahaayeen Ciidamo ka tirsan NISA,
waxaana Gen Tuuryare uu Awaamiir la xiriirta Xoojinta Amniga uu siiyay
Ciidamada.
Kormeerka Taliyaha Hey’adda Nabad
sugida iyo Sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Tuuryare ayaa qeyb ka ah Dhiir
galinta Ciidamada oo habeen maalin u soo jeeda u qidmeynta Dadka Shacabka ,
waxaana kormeerkani uu qeyb ka yahay Soo bandhigida amniga guud ee ka jira
caasimada.
Taliyaha Nabad Sugida Qaranka Oo Xalay Kormeeray Isgoysyada Magaalada Muqdisho
Taliyaha Hey'adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa xalay Saqdii dhexe Kormeeray Xaruumaha Ciidamada Qalabka sida ee magaalada Muqdisho islamarkaana gudanayay waajibaadka Qaran ee Dalka iyo dadka ay u hayaan s