Madaxweyne Xasan Sheekh oo muqdisho kusoo dhoweeyay Ra'iisul wasaare Abiy Axmed

0
Thursday February 27, 2025 - 17:17:12 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 35
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo muqdisho kusoo dhoweeyay Ra'iisul wasaare Abiy Axmed

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Federaalka Ethiopia, Mudane Abiy Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Federaalka Ethiopia, Mudane Abiy Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay maanta uga bilaabatey Soomaaliya.

Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen.

Bishii December ayaa Ethiopia si rasmi ah uga noqotey heshiiskii mugdiga dhex dhigay xiriirka labada dal, kadib markii magaalada Ankara ay ku kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, halkaasna lagu gaarey Baaqii Ankara.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho ay ka tarjumeyso isku soo dhowaanshaha labada dal iyo dhabbada cusub ee la qaadey ee ku dhisan iskaashi iyo xiriir ku dhisan horumarka dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in labada hoggaamiye ay yeelan doonaan wadahadal la xiriira xoojinta iyo iskaashiga labada dal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip