Khawaarijta oo jab xooggan lagu gaarsiiyay duleedka Balcad

0
Thursday February 27, 2025 - 17:09:14 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khawaarijta oo jab xooggan lagu gaarsiiyay duleedka Balcad

    Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waaberigii hore ee saakay fashiliyey weerar naf la caarinimo oo ay Khawaarijtu kusoo qaadeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waaberigii hore ee saakay fashiliyey weerar naf la caarinimo oo ay Khawaarijtu kusoo qaadeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamo u badan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saakay cashir lama ilaawaan ah u dhigay Maleeshiyaadka Khawaarijta oo saakay salaadii subax soo weeraray fariisimmo ay ciidamadu ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha Ciidamada ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u xaqiijiyey in Maleeshiyaadka Khawaarijta ay saakay jab xooggan ku gaarsiiyeen howlgalkii dhacay, waxaana beeraha ku yaalla duleedka magaalada daadsan meydadka Khawaarijtii saakay la laayey.

Saraakiisha Ciidamada waxa ay sidoo kale sheegeen iney wadaan tira koob rasmi ah oo lagu ogaanayo tirada Maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ah saakay looga dilay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wixii Faah Faahin ah la soco insha Allah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip