Maxaad ka ogtahay 3 xubnood khawaarij ah oo ay Qaramada Midoobay liiska cunaqabateynta ku dartey.

0
Thursday May 23, 2024 - 14:36:31 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 95
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka ogtahay 3 xubnood khawaarij ah oo ay Qaramada Midoobay liiska cunaqabateynta ku dartey.

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go'aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo saddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan Talaadadii ka soo baxay golahaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go'aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo saddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan Talaadadii ka soo baxay golahaasi.

War saxaafadeed ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

Bayaanku waxa uu intaa ku daray in kuwa la cunaqabateeyey loo diidi doono in ay helaan lacag, isla markaana lagu soo rogi doono xayiraad dhanka socdaalka ah.

Ergada Joogtada ah ee Ingiriiska UK u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii sheegay in go’aankan uu yimid kadib codsiyo uga yimid Soomaaliya.

"Al-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan, oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waana in lala xisaabtamo,” ayaa lagu yiri bayaankaasi.

Sadexda nin ee lagu daray liiska cunaqabateynta golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa kala ah:-

1-Abdukadir Mohamed Abdukadir oo ahaa Hogamiyaha sare oo Al-Shabaab ah.

2- Mohamed Mire oo khawaarijta u qaabilsanaa ururinta Zakada;

3- Mohamed Cumar Mohamed oo haa waaliga kooxda Al-Shabaab ee Diinsoor

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad loo doortay talada dalka ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in dagaal adag lala galo kooxaha khawaarijta,isla markaana laga ciribtiro gudaha dalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip