Ciidanka Xds oo ku dhawaad 30 Khawaarij ah ku dilay hawgal ka dhacay Galhareeri.

0
Thursday January 25, 2024 - 18:58:36 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xds oo ku dhawaad 30 Khawaarij ah ku dilay hawgal ka dhacay Galhareeri.

    Geesiyaasha Xooga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah weerarkii ay ka fuliyeen Degmada Galhareeri ee Gobalka Galgaduud waxaa lagu dilay in ka badan 25 Maleeshiyaad ah oo Argagixisada ka tirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geesiyaasha Xooga dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah weerarkii ay ka fuliyeen Degmada Galhareeri ee Gobalka Galgaduud waxaa lagu dilay in ka badan 25 Maleeshiyaad ah oo Argagixisada ka tirsan.

Xogta hordhaca ah ee Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu xaqiijiyay ayaa ah in la duqeeyay 3 xarumood oo Maleeshiyada Argagixisada ah ay ku deganaayeen , waxaana ka mid ah Xarunta Warbaahinta, geerishkii Qaraxyada iyo guri ay deganaayeen.
Xubnaha la dilay ee maleeshiyaadka u ahaa Horjoogayaal iyo weriyaal ayaa Kala ah.
1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi, oo ah xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan.
2. Macalim Maxamed oo ahaa ku-xigeenka xarunta Qurdubi.
3. C/kariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Khawaarijta ee Galguduud.
4. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.
5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ee Mudug.
6. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Maleeshiyaadka ee Galguduud.
7. Ismaaciil Abu-Ruqiya oo ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta Khawaarijta Galgaduud.
8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa Horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobolka Sh. Dhexe.
9. Ciise Ruush oo ahaa Horjoogihii farsamada Hubka.
10. Usaama oo ahaa Horjoogihii Isgaarsiinta.
11. Xasan Nuur ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.
11 ruux waa xubnihii la xaqeejiyay, waxaana wili socota baadi goobta xogta iyo macluumaadka maleeshiyaad kale oo lagu laayay howlgalkii Degmada Galhareeri.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip