Ciidanka xoogga dalka oo gurmad u sameeyey dadka ku dhaqan magaalada Buurdhuubo.

0
Tuesday December 05, 2023 - 17:17:49 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga dalka oo gurmad u sameeyey dadka ku dhaqan magaalada Buurdhuubo.

    Ururka 48aad guutada 10-aad Qaybta 43-aad Ciidanka Xoogga dalka ee fadhigoodu yahay magaalada Buurdhuubo ayaa howlo samata-bixin ah u sameeyay shacabka ay saameeyeen fatahaaduhu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka 48aad guutada 10-aad Qaybta 43-aad Ciidanka Xoogga dalka ee fadhigoodu yahay magaalada Buurdhuubo ayaa howlo samata-bixin ah u sameeyay shacabka ay saameeyeen fatahaaduhu.

Ciidankaan ayaa shacabka u sameeyey gurmad, iyaga oo dadka ka soo daabulayey goobaha ay ku go’doosan yihiin ee ka tirsan magaalada Buurdhuubo ee gobolka Gado ee dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Magaalada Buurdhuube waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay saameenta ku reebeen fatahaadaha ka dhashay Roobabkii ka da’ay guud ahaan gobollada dalka, xilli go’day Buundadii magaalada oo ay ahayd marin ay isticmaalaan dadka ku dhaqan magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo bishii hore booqasho ku tagay gobolka Gado ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhiseyso Buundooyinka ku burburay fatahaadada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip