Ciidanka Xoogga oo hawlgal qorshaysan ku dilay 60 Khawaarij ah
In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xds iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo sideed kiilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay Tuuladaan isla markaana isku diyaarinayay inay u gudbaan qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya.
Ciidanka Xds iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale burburiyay Saanado Ciidan iyo Gaari Dameero ay ku wadeen Hub iyo waxyaabaha Qarxa.
Dhanka kale, Xds iyo Geesiyaasha dadka degaanka ayaa hadda wada howlgal ay ku baadi goobayaan Khawaarij baxsad ah kuwaasi oo ka bad-baaday howlgalka ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa ka go’an dhamaystirka howlgalka Ciribtirka Khawaarijta kaas oo hadda laga gaaray Guulo badan.