Taliyaha ciidanka xoogga oo sheegay in xayiraada hubka ee laga qaaday Soomaaliya inay muhiimad u leedahay sugidda amniga

0
Sunday December 03, 2023 - 17:38:12 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidanka xoogga oo sheegay in xayiraada hubka ee laga qaaday Soomaaliya inay muhiimad u leedahay sugidda amniga

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay guusha laga gaaray cunaqabateydii Soomaaliya saarneed mudo 31 Sano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay guusha laga gaaray cunaqabateydii Soomaaliya saarneed mudo 31 Sano

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ugu horreyntii ugu mahadceliyey madaxda Sare ee dalka kaalinta wanaagsan ay ka qaateen in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay muhiimad gaar ah u leedahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saarneed.

Go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, waxaana uu muhimad weyn u leeyahay barnaamijyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasilinta iyo xoojinta dowladnimada curdanka ah.

Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacidah. Dowladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah si ay si hufan ula dagaalanto khatarahaas oo ay u sugto ammaanka xudduudaheeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip