Ra'iisul Wasaare Xamsa oo kormeer ku tagay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose

0
Thursday November 30, 2023 - 19:20:02 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Xamsa oo kormeer ku tagay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da'aya dalka, waxa uu ku tagey degmada Afmadow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da'aya dalka, waxa uu ku tagey degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Afmadow si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, masuuliyiinta degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa safar shaqo ku jooga deegaannada Jubbaland, isaga oo bilowga todobaadkaan gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey.

Inta uu Ra’iisul Wasaaraha joogay magaalada Kismaayo waxa uu xariga ka jaray Wasaaradda Caafimaddka Dowlad Gobaleedka Jubbaland, isaga oo dhagax dhigay waddo laami ah, sidoo kale waxaa booqasho ku tagay Isbitaalka guud ee magaalada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip