Maxkamadda ciidanka Qalabka sida oo u fariisatay dhageysiga xubno ku eedeysan argagixisanimo

0
Monday November 20, 2023 - 16:21:23 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda ciidanka Qalabka sida oo u fariisatay dhageysiga xubno ku eedeysan argagixisanimo

    Maxkamadda ciidmada Qalabka sida ayaa u fariisatay dhageysiga kiiska xubna katirsan khawaarijta, kuwaas lagu soo eedeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ciidmada Qalabka sida ayaa u fariisatay dhageysiga kiiska xubna katirsan khawaarijta, kuwaas lagu soo eedeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

Maxkamadda ayaa waxaa lasoo taagay eedeysane lagu magacaabo Yuuqow Caliyow Xaaji oo lagu eedeeyay inuu khawaarijta u qaabilsanaa dhanka amniyaadka, uuna ka howlgalayay caasimadda, gaar ahaan waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay qarax miino oo ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo kala ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay iyo sidoo kale darawal mooto Bajaajleh ahaa

Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Axmed Cabdalle ayaa sheegay inuu ninka halis ahaa, isla-markaana uu ka shaqeynayay sidii uu u beegsan lahaa dadka shacabka ah ee mara waddadaasi.

"Ninkan wuxuu isku kor dilay laba wiil oo aan qaan gaar ahayn iyo hooyadood waa ninka maalin walba waddada Afgooye aadeyso illaa Muqdisho isku xirto la raadsanaayay inuu qarax dhigo oo uu dad badan ku laayo bis” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada.

Maxkamadda waxaa sidoo kale kasoo muuqatay haweeneyd Ruqiyo Jaamac Khayre oo iyana lagu eedeeyay inay hubka u kaydin jirtay argagixasada taas oo laga soo qabtay deegaanada Ceelasha Biyaha,lana shaqeyneysay eedeysanaha.

Xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda ka codsatay in eedeysanayaasha lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay ‘khatar ku ahaayeen’ amniga guud ee dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray fadhigan, wuxuuna sheegay in go’aanka ay dib ka shaacin doonaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip