Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo daah-furay Barnaamijka dalkaaga ugu hiili hal Dollar

0
Monday October 23, 2023 - 15:00:15 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga oo daah-furay Barnaamijka dalkaaga ugu hiili hal Dollar

    Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay barnaamijka dalkaaga ugu hiili hal Dollar oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed uga qeyb qaadanaayan halganka dib u xoreynta dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay barnaamijka dalkaaga ugu hiili hal Dollar oo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed uga qeyb qaadanaayan halganka dib u xoreynta dalka.

Guddoomiya "Madaale”ayaa sheegay in guuda ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan looga baahanyahay garab istaaga geesiyaasha dhiigooda u huray xoreynta dalka,waxa u sheegay in la sameeyay Akoonno ay shacbka kusoo diri karaan lacagaha Taakuleynta ah ee geesiyaasha xoogga dalka lagu garab istaagayo,islamarkaana mar-walaba Bulshada lala socodsiin doono lacagaha ay soo diraan,sidii loogu talagalayna loo mareeyn doono sida uu guddoomiyaha gobolka Banaadir uu yiri

"Ciidanka Soomaaliyeed ee xabbada isku dhigayo ee naftiisa bixinayo in aan u kaalmeyn waayno oo garab istaag u muujin waayno anaga ayay nasiib darro nagu noqoneysaa,balsa waxaan aaminsanahay in Shacabka Soomaaliyeed ay maanta yihiin kuwaa ku dhiiran oo u soo jeeda garab istaaga geesiyaasha Qaranka”sidaa waxa yiri Guddoomiye Madaale

Sidoo kale kulan waxaa goobjoog ahaa Mas’uuliyiin katirsan dowladda oo uu qeyb ka ahaa taliyaha ciidanka xoogga iyo sarakiil kale,kuwaa oo dhammaan tilmaamay sida ay muhiimka u tahay garb istaaga ciidanka Qaranka ee dagaalka adag kula jira khawaarijta.

Taliyaha ciidanka XDS Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa ugu baaqay muwaadniinta Soomaaliyeed in ay garab istaagaan geesiyaasha ciidamada Qaranka ee had iyo jeer naftooda iyo dhiigooda u huraya nabadda iyo Qarannimada ummadda Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip