Al-shabaab oo holac naareed kala kulmay degaanka Bud Bud

0
Monday October 09, 2023 - 16:07:23 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo holac naareed kala kulmay degaanka Bud Bud

    Maleeshiyaadka kooxda khawaarihjta waxaa jab xooggan iyo holac naareed ayaa Xalay lagu dhadhansiiyay Deegaanka Bud Bud ee ka tirsan Degmada Galcad ee Gobolka Galguduud, waxaana ka waramaya Hoggaamiyaha Ciidanka Deegaanka ee Macaawisleyda Mujaahid Cab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka kooxda khawaarihjta waxaa jab xooggan iyo holac naareed ayaa Xalay lagu dhadhansiiyay Deegaanka Bud Bud ee ka tirsan Degmada Galcad ee Gobolka Galguduud, waxaana ka waramaya Hoggaamiyaha Ciidanka Deegaanka ee Macaawisleyda Mujaahid Cabdi Hagar Barre " waxaan dagaal kala kor dhacnay, isalmarkaana isku fara saarnay meel u dhow deegaanka Bud-bud kooxda Khawaarihjta ah, waxaana ka dilnay Horjooyaal iyo Maleeshiyaad badan, waxaana kala wareegnay waxa ay siteen oo hub ahaa iyo saanad, Deegaankana haatan Ciidankeenna ayaa kun sugan", Khawaarijta ayaa doonayay inay duulaan ku qaadan Deegaanno ka tirsan Deegaanka Daarunimca ee Degmada Ruunnirgood ee ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana ka hortagnay, arrintooda damaca ahaana fashinayay Ciidanka Macaawisleyda Deegaanka Bud-bud.

Hoggaamiye sidii Hibaad Cali Dasar iyo Cilmi Xagar ahna ayaa ka soo baxay Dadka ku nool Deegaanka Bud Bud, Qofkaasi waa kuma? Waa Hoggaamiye Mujaahid Cabdi Hagar Barre, guul ayaan u rejaynaynaa iyo deegaankaasi quruxda badan ka badbaadintiisa khawaarijta arxanka daran.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip