Ceel-buur: Horjoogeyaal Khawaarij ah oo lagu dilay Duqeyn.
Ciidanka xoogga dalka ayaa beegsaday Goob ay ku shirsanaayeen Horjoogeyaasha Khawaarijta oo ku taala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaas oo lagu dilay tiro Horjoogeyaal ah.
Khawaarijta ayaa howlgalkaas ku weysay Horjoogayaal uu ku jiray Horjoogihii Maalliyadda Khawaarijta ee gobolka Galgaduud oo lagu magacaabi jirey Sahal.
Taliyaha Guutada 26aad ee Xoogga Dalka G/le Ismaaciil C/maalik ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida in hawlgalkaan oo dhinaca cirka ah sidoo kale lagu laayey Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta kuwaasi oo la socday Horjoogeyaasha goobta lagu afjaray.