Khawaarijta oo laga saaray degaanno Galbeedka Magaalada Beledweyne.
Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa maleeshiyaadka khawarijta kasaaray deegaanno badan ay kaga sugnaayeen Galbeedka Magaalada Beledweyne.
Deegannada maanta Khawaarijta lala wareegnay ayaa ahaa deegaano muhiim u ahaa khawaarijta islamarkaana lacago baad ah ugu qaadi jiray dadka u kala safra gobolada dhexe.
Dadka ku dhaqan deegaanka ceelka baar iyo deegaano kale ayaa soo dhaweeyay
Howlgalkan waxaa horkacayay abaan duulaha qeybta 27aad ee ciidanka xooga dalka
somaliyeed, kornel isaaq ediris isaaq shaambi isagoona sheegay inay kusii daba jiraan baacsiga kkhawaarijta argagixisada lagana saari doono dhamaan deegaanada haray ee ay ku dhuumaalaystaan.