Ra'iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay shacabka ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Beladweyne

0
Saturday September 23, 2023 - 21:17:46 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay shacabka ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Beladweyne

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed ee sida naxariis darrada ah Khawaarijtu ugu laysay magaalada Beledweyne maanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed ee sida naxariis darrada ah Khawaarijtu ugu laysay magaalada Beledweyne maanta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Qaraxa Beledweyne ka dhacay fal argagixiso oo fuleynimo ah oo Khawaarijtu ku baabi’inayaan shacabka, markii looga soo adkaaday furimaha dagaalka, isagoo intaa raaciyay in sababta ay u bartilmaameedsanayaan magaalada Beledweyne ay tahay inay ku suntantahay dabargooynta Khawaarijta.

Mudane Xamsa ayaa sheegay inay tirsan yihiin maalmaha u haray Khawaarijta oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wadajira ay ka guuleysan doonaan cadawga u diiddan nabadda iyo horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Allaah (SWT) uga baryay inta ku shahiidday qaraxa Beledweyne inuu jannadii Fardowso ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah siiyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip