Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay gobolka Jubada hoose
Ciidanka Kumaandooska Danab garahan Ururka 5.aad ee guutada 16-aad ayaa howgal qorshaysan ka fuliyay deegaanada ku dhaw magaalada beerxaani ee gobolka jubada hoose.
Howgalkaan qorshaysan ayaa waxaa hoggaaminayay taliyaha ururka 5-aad guutada 16-aad ee kumaandooska Danab G/le Carab Dheeg Axmed waxayna ciidanku ku dileen laba horjooge oo khawaarijta u qaabilsanaa ineey lacagaha baadda ah ka qaadaan bulshada ku dhaqan gobolka jubadda hoose , sidoo kale ciidanka ayaa howlgalka ku dilay maleeshiyaadkii la socday labada horjooge sida uu warbaahinta ciidamada qalabka sida u xaqiijiyay taliyaha ururka 5-aad G/le Carab Dheeg Axmed oo hoggaaminayay howlgalka.
Ciidamada xooga dalka somaliyeed gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyaadka khawaarijta ee isku daya ineey dhagaro usoo maleegaan shacabka soomaaliyeed .