Ra'iisul wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka

0
Thursday August 24, 2023 - 17:31:29 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in xiritaanka tababarkani uu ku soo aadey xilli muhiim ah oo uu dalku ku jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana baahi weyn loo qabo ciidan difaaca Qaranka.

"Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad si degdeg ah u howl gashaan isuna diyaarisaan in aad dalkiinna iyo dadkiinna ugu adeegtaan si daacad ah, qaybna aad ka noqotaan dadaallada dalka looga cirib tiraayo Khawaarijta.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dib-u-dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareegga sugidda amniga dalka, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kaalintooda ka qaataan sugidda amniga iyo ciribtirka Khawaariijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey walaalaha Turkiya taageerada ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan tababarrada ay siinayaan ciidanka X.D.S, isagoo u hambalyeeyay ciidamada qalin jebiyey maanta dadaalka ay muujiyeen, una rajeeyay in ay kaalin wax ku ool ah ka geystaan dagaalka socda.               




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip