Xubin katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

0
Sunday August 20, 2023 - 20:19:24 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubin katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

    Isxaaq Mayow Mohamuud oo Magaca afgarashada Khawariijta loo yaqaanay (Sayib) ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isxaaq Mayow Mohamuud oo Magaca afgarashada Khawariijta loo yaqaanay (Sayib) ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.

Isxaaq Mudo Afar sano ayuu khawariijta u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo dhowar ah oo ka dhacay Qeybo ka mid ah Gobolada Sheellaha hoose, Hiiran, Gedo,Jubbooyinka iyo Deegaano kale.

Wuxuuna ku sheegey isaaq sababta uu uga soo baxay khawaarijta inay ahayd dhibaato ka jirta dhexdooda iyo mid ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan.

Isxaaq mar uu ka hadlay awooda khawaarijta maanta wuxuu ku tilmaamay inay aad u liidato isagoo dowlada iyo shacabka soomaaliyeed u sheegay hadii ay sii wadaan howlgalka la arki doono khawaarijta oo soomaaliya ka cararaysa.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay Saaxibadii inay ka soo tagaan Khawariijta Iskuna soo dhibaan Ciidanka Dowladda soomaaliya si loo badbaadiyo naftooda.

Khawaarijta  arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa xiligaan wajahayo dhibaatooyin kala duwan kadib markii dhinac walba ay dowladda oo shacabkeeda kaashaneysa ay ka go’doomiyeen,taa oo sababtay in maalin walba xunno kartisan khawaarijta ay isku soo dhiibaan dowladda.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip