Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Qorshaysan ka fuliyey magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan

0
Friday August 18, 2023 - 21:37:24 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Qorshaysan ka fuliyey magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan

    Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Qorshaysan ka fuliyey magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraa ayaa halkaa ku dilay 18 xubnood oo ay ku jireen horjoogayaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Qorshaysan ka fuliyey magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraa ayaa halkaa ku dilay 18 xubnood oo ay ku jireen horjoogayaal.

Howlgalka waxaa lagu beegsaday saddex xaruumood oo Khawaarijtu ay lahaayeen,kuwaas oo dhammaantood la burbruriyay.

Goobta ugu horraysa ee ay ciidamada bartilmaameedsadeen ayaa waxay ahad garaashka gaadiidka la dhigo oo ay u yaalleen inka badan 20 Gaari oo ah kuwa dagaalka dhamaantoodna waa la burburiyay waxaana laga dhigay hawlgab.

Waxaa sidoo kale la burburiyay xaruuntii ay ka maamuli jireen magaalada iyadoo ay ku lagu dilay shan ka mid ah argagixisada oo mid u ah horjooge.

Howlgalka ugu danbeeyay waxaa lagu beegsaday Isbaaro ay ku sugnaayeen Koox Khawaarij ah oo ku taallay Banaanka magaalada,waxaana halkaas lagu laayay maleeshiyaad goobta ku sugnaa.

Inta la xaqiijyay howlgalka waxaa Khawaarijta uga geeryooday 18 Khawaarij oo labo ay horjoogayaal tahay, waxaa la burburiyay 20 Gaari oo ah kuwa dagaalka oo ay ku rakibnaayeen Qoryo culus waxaana la burburiyay labo Xafiis iyo goob Isbaaro u ahayd.

Howlgalkaan dhacay maanta oo jimco ah waxa uu ka mid yahay hawlgalo isdaba joog ah kuwaas oo barbar socda hawlgalka sifaynta ah, waxaana lagu beegsaday ilaa hadda inka badan Toban Degaan oo ah ku sugnaayeen Khawaarij, iyadoo lagu burburiyaya, Warshado Qaraxyada, Gaadiid, Saanad, Xafiisyo iyo isbaarooyin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip