Kumaandooska Danab oo howlgal gaar ah ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

0
Sunday August 13, 2023 - 19:50:54 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumaandooska Danab oo howlgal gaar ah ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

    Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab oo qorsheynayay in ay weerar fuleynimo ah ka fuliyaan deegaanka Janaay-Cabdalle iyo deegaannada kale ee ku hareereysan ayaa waxaa fashiliyay ciidamada Kumaandooska Danab, halkaas oo Khawaarijtu jab xooggan lagu g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab oo qorsheynayay in ay weerar fuleynimo ah ka fuliyaan deegaanka Janaay-Cabdalle iyo deegaannada kale ee ku hareereysan ayaa waxaa fashiliyay ciidamada Kumaandooska Danab, halkaas oo Khawaarijtu jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab Carab Dheeg Axmed ayaa warbaahinta Qaranka u xajiiyay in howlgalkaas Khawaarijta looga dilay 7-dhagar-qabe, halka tiro intaas ka badan looga dhaawacay.

Sidoo kale. Taliyaha ayaa sheegay in ay maleeshiyadii Khawaarijta ay soo qaladay ka furteen saanad ciidan oo ay wateen, waxaana halkaas argagixisadu ku gaaray jab xooggan oo cashar u noqonaya kuwo kale ay wali jidka naarta ku hoggaaminayaan.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalkan guuleystay ka fuliyay Tuulada Kuuba-Kabir oo u dhow deegaanka Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose, waxayna hadda ciidamadu sii baacsanayaan haraadiga maleeshiyaada kooxda Al-shabaab oo ka firxaday howlgalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Daraawiishta Jubbaland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab ka wafay deegaannada Jubbooyinka, halkaas oo maleeshiyada lagaga dilay maleeshiyo iyo horjoogayaal badan oo shacabka Soomaaliyeed dhibaato xooggan ku hayay.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah qorshaha dalka looga xoreynayo Khawaarijta, kuwaas oo ka socda inta badan gobollada dalka, waxaana hadda socda qorshaha wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta, sida madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu ku dhawaaqay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip