Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey Shirka dar dargelinta iyo Abaabulka Halganka Dib u Xoraynta

0
Thursday August 10, 2023 - 18:53:40 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey Shirka dar dargelinta iyo Abaabulka Halganka Dib u Xoraynta

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada heer Federaal iyo kuwa dowlad-goboleedk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada heer Federaal iyo kuwa dowlad-goboleedka Galmudug.

Shirkan ayaa looga hadlay xaaladda amni, qorshaha waqtiga dhow ee xoreeynta deegaannada ku jira gacanta Khawaarijta iyo dardar galinta abaabulka xooggan ee ka socda Galmudug, kaas oo ay dadka deegaanku kaga qayb qaadanayaan halganka dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay marxaladihii uu soo maray dagaalka ka dhan ah khawaarijta ayaa sheegay in dowladda Federaalku ay dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo leh saddex dhinac oo ku wajahan dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna xusay in sida ugu dhaqsaha badan ay u bilaaban doonaan dhammeystirka wajiga koowaad ee ladagaallanka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya iyo la wareegidda ciidamada Qaranka ee mas’uuliyadda amniga dalka ayaa tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeyneyso tayeynta iyo tababarka ciidadamada xoogga dalka oo guulo muuqda laga soo hooyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip