Howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay xarumo khawaarijta ku lahaayeen Galhareeri
Ciidanka Xds oo howlgal guulaystay ka fuliyay gudaha degmada Galhareeri ee gobalka Galguduud ayaa beegsaday saddex xarumood oo Khawaarijtu ay ku sugnaayeen.
Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay garaash ay Khawaarijtu ku diyaarinaysay waxyaabaha qarxa, waxaana halkaas lagu burburiyay todobo gaari oo yaalay Goobtaas, iyadoo goobta labaad ee la beegsaday u ahayd Bakhaar hub oo ay Khawaarijtu lahayd kaas oo la gubay, halka kan saddexaad u ahaa goob uu u yaalay qalab caaafinaad oo ay Khawaarijtu si gaar ah u isticmaalaysay.
Degmada Galhareeri ayaa Khawaarijta u ah xarun wayn oo ay u arkayeen in ay ku amaan galayaan, balse Xoogga dalka ayaa cagta mariyay goobahaas muhiimka u ahaa khawaarijta.
Hawlgalkaan ayaa qayb ka ah hawlgallo isdaba joog ah oo ciidanka Xds ku burburinayaan xarumaha Khawaarijta, kuna beegsanayaan saadka iyo isku socodka Khawaarijta.