Ciidanka xoogga dalka oo howl-gal ku burburiyay xarun ay Khawaarijta ku diyaarinayeen qaraxyo

0
Tuesday August 08, 2023 - 11:36:45 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga dalka oo howl-gal ku burburiyay xarun ay Khawaarijta ku diyaarinayeen qaraxyo

    Howl-gal Qorshaysan ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda caalamiga ab waxa ay saaka ka fuliyeen xarun Khawaarijtu ku leedahay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burte ee Gobalka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howl-gal Qorshaysan ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda caalamiga ab waxa ay saaka ka fuliyeen xarun Khawaarijtu ku leedahay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burte ee Gobalka Hiiraan.

Howl-galka ayaa waxaa lagu beegsaday Garaash wayn oo Khawaarijta u ahaa goob ay ku diyaarinayaan Qaraxyada.

Ciidanka Qaranku waxa ay halkaas ku burburiyeen afar Gaari oo ay Khawaarijtu ku rakibeen Qaraxyo si ay u waxyeelleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Goobtaas waxaa ku halaagsamay Malleeshiyaad ka mid ahaa kuwa sida gaarka ah ugu tababar samaynta Qaraxyada

Geesiyaasha Qaranku waxa ay ku jiraan qiimaynta qasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray Khawaarijta.

Weerarkan ayaa qayb ka ah howl-gallada ay Ciidamada Qaranku ku burburinayaan saldhihyada Khawaarijta, Malleeshiyaadkooda iyo xarumaha ay ku diyaariyaan dhagarta Shacabka si loo cuuryaamiyo awooddooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip