Wasiirka Difaaca XFS oo sheegay in bishaan ay bilaabaneyso wajiga 1-aad ee ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya

0
Saturday June 10, 2023 - 17:00:48 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Difaaca XFS oo sheegay in bishaan ay bilaabaneyso wajiga 1-aad ee ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya

    Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgaleen w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgaleen wafdi Militari oo ka socda Midowga Afrika oo dalka u jooga uu kuur galida howsha bixitaanka ciidanka ATMIS.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in dhammaadka Bishan June dalka ka bixi doonaan qeybtii ugu horeysay ee ciidanka ATMIS kuwaas oo gaaraya 2,000 askari, ayna mas’uuliyadda ammaanka dalka ku wareejin doonaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Safiir Mohammed El-Amine Souef ayaa wasiirka uga mahad celiyay doorka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo guud ahaan Dowladda ay ugu qeyb qaateen fulinta qorshaha kala guurka iyo soo dhaweeynta Saraakiisha u timid inay uu kuur galaan hanaanka bixitaanka ciidanka ATMIS.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa u mahadceliyay Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika doorka ay ka qaateen Xasilinta iyo amniga dalka, isagoo sidoo kale tilmaamay in tilaabo wanaagsan la gaaray oo ah inay maanta Ciidanka xoogga dalka ku filan yihiin in ay ATMIS kala wareegaan mas’uuliyadda amniga goobaha la isla gartay. Qorshaha kala wareegida amniga ATMIS wuxuu u socon doonaa sida loogu talagalay illaa askariga u dambeeyay dalka ka bixi doona dhammaadka December 2024 sida ku cad qaraarka UNSCR 2628.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip