Taliska ciidanka Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Hoteel Pearl ee Liido

0
Saturday June 10, 2023 - 16:55:50 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska ciidanka Booliska oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Hoteel Pearl ee Liido

    War-Saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo nuqul ka mid ah soo gaaray Snaradio ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha weerarkii khawaarijtu xalay ku galeen Hoteel Pearl oo ku yaalla degmada Cabdicasis ee gobolka Banaadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-Saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo nuqul ka mid ah soo gaaray Snaradio ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha weerarkii khawaarijtu xalay ku galeen Hoteel Pearl oo ku yaalla degmada Cabdicasis ee gobolka Banaadi

"Xalay fiidkii 09/Jun/2023 abaare 07:55 PM ayaa 7 Naftood halige oo Khawaarijta Al-Shabaab ka tirsan weerar Naf-lacaarinimo ku qaadeen Hoteel Pearl oo ku yaalla degmada Cabdicasis.

Hoteelka ay Naftood halige-yaashu weerareen ayaa ahaa goob ay dadka shacabka ah ku shaah cabaan, taas oo muujinaysa sida Khawaarijtu ay shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta u la dagaalamayaan.

Ciidamada Ammaanka ayaa isla markiiba u howlgalay soo afjarista weerarka Khawaarijta, iyaga oo ku guulaystay in ay soo gabagabeeyaan abaare 02:00 AM.

Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Alle mahadii, Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in ay goobtaas si nabadgelyo ah uga saaraan 84 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur yar yar, dumar iyo dad waayeel ah”.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip