Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Sacuudiga

0
Thursday June 08, 2023 - 18:04:16 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Sacuudiga

    Wasiirka Gaashaan dhigga xauumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Sacuudiga Amiir Khalid bin Salmaan Bin Salmaan Cabdulcasiis xilli uu booqasho rasmi ah u ku joogo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaan dhigga xauumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Sacuudiga Amiir Khalid bin Salmaan Bin Salmaan Cabdulcasiis xilli uu booqasho rasmi ah u ku joogo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah,sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga,isku xirka dhinacyada difaaca,ciidamada iyo arrimo kale oo quseeya labada dal.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali, La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Amniga Kamaal Guutaale, La-taliyaha Wasiirka Gaashaandhigga Dr Cabdullaah Cabdiraxmaan Maxamuud iyo u qeybsanaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Boqortooyada Sacuudiga Sarreeye Guuto Bille Ibraahim Adam, iyadoo dhanka Sacuudiga uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Fayyad bin Hamed Al-Ruwaili, Kaaliyaha Wasiirka Difaaca Injineer Talal bin Abdullah Al-Otaibi, iyo Kaaliyaha Wasiirka Difaaca ee Arrimaha Fulinta Dr Khaled bin Xuseen Al-Bayari.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip