iidanka Amniga Muqdisho oo howlgal ku soo qabtay maandooriye iyo dadkii ka ganacsanayey

0
Monday June 05, 2023 - 17:30:46 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    iidanka Amniga Muqdisho oo howlgal ku soo qabtay maandooriye iyo dadkii ka ganacsanayey

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka Amniga kusoo bandhigeen Maandooriye iyo dadkii ka ganacsanaye, kadib howlgal laga fuliyay degmada Kaaraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka Amniga kusoo bandhigeen Maandooriye iyo dadkii ka ganacsanaye, kadib howlgal laga fuliyay degmada Kaaraan.

Goobta lagu soo bandhigay maandooriyahan waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada naamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/le Sare Macalin Mahdi, Maamulka degmada Kaaraan iyo saraakiil kale.

Duqa nagaalada Muqdisho mudane Madaale ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin ka hortaga waxyaabaha halista ku ah xasiloonida Caasimadda iyo mustaqbalka ummadeena, isaga oo Sidoo kale uga digay cid kaste oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha in sharciga lala tiigsan doono.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip