Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo kulan dsrdaaran ah la qaatay ciidamada Xasilinta Caasimadda

0
Wednesday May 31, 2023 - 20:39:51 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo kulan dsrdaaran ah la qaatay ciidamada Xasilinta Caasimadda

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimadda.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Faysal Caraale Afrax, ayaa waxaa warbixino loogu dhageystay Saraakiisha Amniga, iyagoo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga caasimadda iyo guulaha laga gaaray howlgalada laga fuliyay Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku bogaadiyay  ciidanka Xasilinta Caasimadda (Military Police) ee Xds sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugidda amniga iyo ka hortagga falalka lidiga ku ah amniga, asigoo ku amaanay sida wanaagsan oo ay ula falgalaan bulshada, inta ay kujiraan howlaha sugidda Nabadgelyada Caasimadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip