Saraakiil ka socota dalalka Safka hore oo muqdisho shir ku yeeshay
Kulan looga hadlayay Arimo badan oo ku saabsan Howlgalka wadajirka ah ee dowladaha safka hore ayaa maanta wuxuu ka dhacay xaruunta ciidanka howlgalka wadajirka ah ee Doowladaha Safka hore oo ay kamid yihiin Soomaaliya Ithopia, Kenya, Jabuti.
Kualanka waxaa kaqeyb galay Taliyaha Ciidanka howlgalka wadajirka ah ee Doowladaha Safka hore Jeneraal Maxamed Cali Bariise, Abaanduulaha iyo ku xigeenkiisa dhanka Lojistikada ee Howlgalka, Safiirka ku xigeenka dowlada Mareekanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Timothy Trenkle, Uqeybsanaha Arimaha Siyaasada iyo Uqeybsanaha Arimaha Ciidanka ee Safaarada.
Kulaankaan ayaa looga Hadlay arimo badan ay ka mid yihiin:
•Ahmiyada Howlgalkaan iyo sidii Dowlada Mareekanka uga qeyb qaadan laheyd ladagaalanka dhibaatada Ururkaan argagisada khatarta ku yahay Dowladaha Gobolka iyo kuwa Caalamiga.
• Qorshaha diyaargarowga iyo meelaha ay wax maraayaan.
• Mmuhiimada ay leedahay abaabulka iyo ka qeyb galka bulshada (Community Engagement) iyo ilaalinta dadka rayidka (Protection of Civilian).
• Muhiimada ay leedahay Xasilinta (Estabilisation).