Ciidamadda amaanka oo dekadda iyo daroonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidanka oo Khawaarijta loo waday iyo shabakaddii ka shaqeeyneeysay

0
Thursday May 18, 2023 - 20:51:58 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda amaanka oo dekadda iyo daroonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidanka oo Khawaarijta loo waday iyo shabakaddii ka shaqeeyneeysay

    Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa si dhow ula socday Saanadda ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, ilaa iyo waddankii laga soo qaaday iyo muddadii laga shaqaynayay intuba.

NISA ayaa sidoo kale la socotay dhaq dhaqaaqa iyo xiriirka shabakad balaaran oo kala joogtay dibadda, Muqdisho iyo goballada kuwaas oo ka wada shaqaynayay, soo iibinta, soo rarista, soo dejinta dekadda ilaa gaarsiinta gacanta Khawaarijta.

Dhammaan Shabakaddii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 qof ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto, iyadoo qofna uusan ka baxsan.

Ilaa iyo afar Gaari oo loo diyaariyay in lagu qaado qalabkaan si ay u gaarsiiyaan Cadowga Khawaarijta ah ayaa sidoo kale ay ku guuleysteen ciidamada amniga inay gacanta ku dhigaan.

Dhanka kale Sirdoonka Soomaaliya wuxuu gacanta ku dhigay Alaabo u socday Cadowga oo laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Dekadda iyo Garoonka Aadan Cadde waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa cadayn u ah shaqada adag ay hayaan Hay’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta Sirdoonkeena.

Dadka loo qabtay howlahaan waxaa ku jira Ganacsato, kuwaas oo dowladdu ay siisay ogolaasho ah inay wadanka keenaan waxyaabaha ay u baahanyihiin dadkeena laakiin taas badalkeeda waxaa muuqata inay dalka soo galinayaan wax halis ku ah dalka iyo dadka.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in talaabo adag laga qaado Danbiilayaasha Khawaarijta iyo qof kasta oo ku kaalmaysa dhibaatada ay ku hayaan dadkeena, ha ahaadaan Ganacsato, mas’uuliyiin ama nuuc kasta oo ka mid ah bulshada inteeda kale.

 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip