Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku dhigay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay sedax Horjooge oo ka tirsan Khawaariijta.
Kuwaasi oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay ciidanka Xds ku raad-joogeen horjoogayaashaasi oo ku dhuumaaleeysanayay Degaanka Hul-caduur.
Howlgalka ayay ciidanka Xds oo kaashanaya ciidanka degaanka kafuliyeen laga Deegaanada Hul-caduur iyo Xalaneey ayaa waxaa lagu soo qabtay Shire Cabdi Maxamed, Cali Abgaaloow iyo Maxamuud Calasoow, kuwaasi oo lacago baad ah Khawaariijta uga qaadayay gaadiidka safarka ah inta mudo ahna ka tirsanaa.
sida ay warbaahinta ciidamadda qalabka sida u sheegeen saraakiisha ciidanka xds ee kusugan degmada ceel-dheer ee gobolka gal-guduud.