Ciidanka Xoogga iyo shacabka Hiiraan oo weeraray koox khawaarij ah
Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala gobolka Hiiraan iyo dadka degaanka ayaa maleeshiyaad tirsan Khawaarijta,isla markaana doonaayey inay si dhuumaalaysi ah isugu abaabulaan deegaanno dhaca Koonfurta Beledweyne oo ku dhow Beerxaanno
Ciidanka Xds iyo Dadka Degaanka ayaa saaka ka horragay Khawaarijta oo dooneeysay inay dhagar usoo maleegaan shacabka Soomaaliyeed ,iyagoo ku baacsaday degaanka Maxamed Xasan oo u dhow degaannada Beerxaanno ee dhaca Koonfurta Beledweyne.
Dhamme Maxamed Cali Hilowle Taliya Ururka 8-aad Gutada 18-aad ee Kumaandooska Xds ayaa sheegay in dadka degaanka oo aan ogolayn in mar kale Khawaarijtu ku soo dhex ganbadaan ay si dhow ula shaqaynayaan Ciidanka Xds isla markaana ay qayb ka yihiin dagaalka hadda socda.
Inta badan dhulka Gobalka Hiiraan ayaa horay looga xoreeyay Khawaarijta naf-la caafiga ah, waxaana haatan socda howlgaladii ugu danbeeyay ee guud ahaan la doonayo in lagu ciribtiro Khawaarijta.