Shirka wadamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo la soo gabangabeeyey

0
Thursday April 27, 2023 - 21:21:11 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka wadamada ay Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo la soo gabangabeeyey

    Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, 26-27 Abriil 2023, waxa ay ka soo saareen war-murtiteed ka kooban dhawr qodob oo ay ku taageerayaan dib u kabashada amni ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa shir uga socday magaalada Kampala ee dalka Uganda, 26-27 Abriil 2023, waxa ay ka soo saareen war-murtiteed ka kooban dhawr qodob oo ay ku taageerayaan dib u kabashada amni ee Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda shirka ka qaybgashay la wadaagay guulaha waawayn ee ciidanka xoogga iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ka gaareen la dagaalanka xagjirka, taas oo u baahan in wadamada gobolku taageeraan.

Madaxda ka socotay dadalka Kenya, Ethiopia, Djibouti, Uganda, Burundi iyo midowga Afrika ayaa qodobada ay shirkooda ka soo saareen waxaa ka mid ah.

1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024.

2- In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.

3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

4- Waxaa la bogadiyay guulaha ciidanka xoogga dalka ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.

5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip