Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Jubbada Hoose

0
Monday April 24, 2023 - 16:51:45 in Wararka by Mohamed Muse Mohamed
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Jubbada Hoose

    Ciidanka xoogga Dalka iyo Darawishta Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameyeen degaanada Buula madeey iyo alamgaab oo katrisan jubbada Hoose waxa ay ku burburiyay xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga Dalka iyo Darawishta Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameyeen degaanada Buula madeey iyo alamgaab oo katrisan jubbada Hoose waxa ay ku burburiyay xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayay ciidanka ku dileen ilaa iyo seddeed dhagarqabe oo kartsan khawaarijta kuna burbureyeen fariisimahoodii ,waxaa sidoo kale inta howlgalku socday ciidamada sareen Miinooyin dhwor ah oo ay argagixasadu Ku aastay wadooyinka si ay bulshada ku safreyso ugu dhibateeyaan.

Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka jubbaland Saleebaan Maxamad Maxamud oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ujeedka howlgalku ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga degaannada maamulka jubbaland ayna sii socon doonaan inta firxadka kooxda khawaarijta laga sifeeynayo degaanada ay kaga dhuumaaleeysanayaan jubbada Hoose

Wasiirka ayaa sheegay sidoo kale sheegay in dhawaan ay billaaban doonaan howlgallo si wadajir ah ay u wada gali doonaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa jubbaland iyo saxiibada Caalamka kaa oo ka dhan ah khawaarijta iyo degaanada ay kaga suganyihiin gobolada jubbooyinka,bulshada degaanadaa ayuu ugu baaqay in ay howlgalka qeyb ka qaataan si dalka guud ahaan looga xoreeya khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab.

Guud ahaan dalka waxa ka soconayo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah khawaarijta iyo degaanno dhowr ah laga saaray argagixisada Al-shabaab oo mudda ku badan 15-sano dhibaato ku heysay shacabka soomaaliyeed, balsa hada waxa ay marayaan bur-bur iyo inay isku soo dhiibaan ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa degaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip