Aqalka sare oo aqrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedka horumarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed

0
Tuesday March 14, 2023 - 15:51:12 in Wararka by Abdiwahid gedi
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqalka sare oo aqrinta 1-aad mariyay hindise sharciyeedka horumarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed

    Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka ka hor aqriyey hadaljeedin ku saabsan Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka ka hor aqriyey hadaljeedin ku saabsan Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa Golaha la wadaagay faahfaahinta wax ka badalka lagu sameeyey sharciga waxaana uu hoga tusaaleyey ahmiyadda ee sharcigan u lee yahay horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

"Sharcigan waxa uu soo maray marxalado kala duwan oo ah la tashiyo iyo turxaan bixin waxaana ka shaqeeyey khuburo isugu jira wasaaradda iyo xeel-dheereyaal dhinaca Kalluumeysiga iyo Badaha ah, waxaan aamin sanahay in sharcigan uu ahmiyad  weyn u lee yahay badbaadinta iyo ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Kheyraadka Kalluunka ee dalkeenna”. Ayuu wasiirka Ahmed.

Waxa uu intaa ku daray  "Sharcigii hore wuxuu ka koobnaa siddeed (8 Cutub iyo 44 qodob. Dib u habayn ka dib sharciga aan maanta ka hor aqriyey Golaha Shacabka wuxuu ka kooban yahay, afar iyo toban (14) Cutub iyo 162 qodob, taas oo muujineysa isbadalka lagu sameeyey sharcigan kaas oo aan rajeyneyno in uu daboolo baahi weyn oo loo qabo sharci nuucaan oo kale ah, dalkana siinaya sharci kalluumeysi oo dhamaystiran kana jawaabaya baahida sharci ee khayraadka kalluunka dalkeenna”

Ugu dambeyn wasiirka ayaa xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee dalka ka codsaday in ay iyaga oo gudanaya waajibaadkooda sharci dajin ay meelmariyaan sharcigan.

      




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip