Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo dalka Turkiye ugu deeqay shan malyan oo dollar

0
Sunday March 05, 2023 - 16:04:11 in Wararka by Abdiwahid gedi
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed oo dalka Turkiye ugu deeqay shan malyan oo dollar

    Dowladda soomaaliya oo maanta wareejisay 5-malyan doolar lacagata oo ay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga qeb qaadanayaan u gurmashada walaalaha Turkiga oo uu dhawaan dalkoodu ka dhacay dhul gariir qasaaro geystay..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda soomaaliya oo maanta wareejisay 5-malyan doolar lacagata oo ay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga qeb qaadanayaan u gurmashada walaalaha Turkiga oo uu dhawaan dalkoodu ka dhacay dhul gariir qasaaro geystay..

Munaaasabadda lacgta lagu wareejinayay oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Ray’iisulaha xukuumaadda federaalka soomaaliya,xildhibaanno ,xubnno ka tirasan golaha wasiiradda iyo wakiila ka socday beesha Caalamka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda

ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal ka jeediyay goobta ayaa ku dheraada kaalinta walaalnimo ee dowladda iyo shacbka Turkiga ay ka qateen u gurmashadda dadka soomaaliyeed "Abaalka uu Turkigu ku leeyahay dadka Soomaaliyeed waxaa sabab u ahaa Madaxweyne Erdugan.” Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe

Ra’iisul Wasaare xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn u mahadceliyay guddiga gurmadka walaaha turkiga iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed oo ka jawaabay baqii dowladda ee ah ka qebqaadasha sidii loogu gurman lahaa dhibatadii ka dhalatay dhul gariir ku dhuftay dalka Turkiga oo dad fara-badan ay ku dhinteen waxa u sheegay in dhibaatadasi  shacbka soomaaliyeed ay bartay in ay ka qeyb qaadan karaan wax kasata oo ay u midoobaan.

"Dhibaatada Turkiga ka dhacday waxaan ka baranay in dadka Soomaaliyeed ay qaban karaan wax kasta oo ay u midoobaan.”sidaa ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse

Wasiirka wasaaradda Arrimha Gudaha XFS Axmed Macalim  Fiqi ayaa yiri "$4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira ayaan ka uruurinay umadda Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay, si gurmadka walaalaheen Turkiga aan ugu qeyb qaadano.”

Safiirka dowladda Turkiga ee  u fadhiya soomaaliya Ibrahim Mete Yagli: ayaa dowladda iyo shacabka soomaaliyeed uga mahadceliyay sida hagar la’aanta ah ee ugu gurmadeen walaaha Turkiga garab istaag weyna ay u muujiyeen”Soomaaliya waxaan u soo gurmanay iyadoo adduunka dhan uu dhabarka xijiyey, dalkeyga Turkiga hadda wuxuu wajahayaa musiibadii ugu weyneed, garab istaag dhaqaale iyo dareen walaalnimo oo aad u qiimo badan ayaad noo muujiseen.”

Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdikariin Gabeyre oo ku hadlayay afka ganacsatada soomaaliyeed aya sheegay in ganacsatada soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qateen howlaha gurmadka ayna sii wadi doonaan inta la soo dhameystirayo gurmadka socda.

"Maanta waxaan si hordhac ah u wareejinaynaa taakulo aan uga qeyb qaadaneyno gurmadka walaalaheen reer Turki, waana sii wadi doonaa.”sidaa ayuu yiri Cabdikariin Gabeyre soomaaliya oo maanta wareejisay lacag dhan 5 oo malyan doolar lacagata ayay dowladda  iyo Shacabka Soomaaliyeed uga qeb qaadanayaan  u gurmashada walaalaha Turkiga oo uu dhawaan dalkoodu ka dhacay dhul gariir qasaaro geystay..

Munaaasabadda lacagta lagu wareejinayay oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa waxa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Ra’iisulaha xukuumaadda federaalka soomaaliya,xildhibaanno ,xubnno ka tirasan golaha wasiiradda,wakiila ka socday beesha Caalamka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal ka jeediyay goobta ayaa ku dheeraaday kaalinta walaalnimo ee dowladda iyo shacabka Turkiga ay ka qateen u gurmashadda dadka Soomaaliyeed "Abaalka uu Turkigu ku leeyahay dadka Soomaaliyeed waxaa sabab u ahaa Madaxweyne Erdugan.” Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Ra’iisul Wasaare xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn u mahadceliyay guddiga gurmadka walaaha turkiga iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo ka jawaabay baqii dowladda ee ah ka qeyb qaadashada sidii loogu gurman lahaa dhibatadii ka dhalatay dhul gariir ku dhuftay dalka Turkiga oo dad fara-badan ay ku dhinteen waxa u sheegay in dhibaatadasi  shacabka Soomaaliyeed ay bartay in ay ka qeyb qaadan karaan wax kasta oo ay u midoobaan.

"Dhibaatada Turkiga ka dhacday waxaan ka baranay in dadka Soomaaliyeed ay qaban karaan wax kasta oo ay u midoobaan.”sidaa ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse

Wasiirka wasaaradda Arrimha Gudaha XFS Axmed Macalim  Fiqi ayaa yiri "$4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira ayaan ka uruurinay umadda Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee la soo dhaafay, si gurmadka walaalaheen Turkiga aan ugu qeyb qaadano.”

Safiirka dowladda Turkiga ee  u fadhiya Soomaaliya Ibrahim Mete Yagli: ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida hagar la’aanta ah ee ugu gurmadeen walaalahooda Turkiga garab istaag weyna ay u muujiyeen”Soomaaliya waxaan u soo gurmanay iyadoo adduunka dhan uu dhabarka xijiyey, dalkeyga Turkiga hadda wuxuu wajahayaa musiibadii ugu weyneed, garab istaag dhaqaale iyo dareen walaalnimo oo aad u qiimo badan ayaad noo muujiseen.”

Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdikariin Gabeyre oo ku hadlayay afka ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay kaalin weyn ka qateen howlaha gurmadka ayna sii wadi doonaan inta la soo dhameystirayo gurmadka socda.

"Maanta waxaan si hordhac ah u wareejinaynaa taakulo aan uga qeyb qaadaneyno gurmadka walaalaheen reer Turki, waana sii wadi doonaa.” ayuu yiri Cabdikariin Gabeyre.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip