
Ciidanka Xoogga oo ku dhawaad 50 Khawaarij ah ku dilay howlgal qorsheysan
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogagga degaanka ayaa ku dhawaad 50-Khawaarij ah ku dilay howlgal ay ka sameeyeen tuulada Daarul-nicma ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo tuulooyin kale oo hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellada dhexe.
Ciidanka ayaa weerar ku qaaday goob ay isku aruursanayeen Maleyshiyaadka Khawaarijtu, Al-shabaab waxaana halkaas cadowga ku gaaray jab xooggan, iyadoo tuulooyin badan laga xoreeyay, sida uu Warbaahinta Ciidamadda u sheegay Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab G/le dhexe Axmed Cabdulaahi Beeryare.
Ciidanka Xoogga oo ku dhawaad 50 Khawaarij ah ku dilay howlgal qorsheysan
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya xoogagga degaanka ayaa ku dhawaad 50-Khawaarij ah ku dilay howlgal ay ka sameeyeen tuulada Daarul-nicma ee gobolka Shabeellaha dhexe iyo tuulooyin kale oo hoos taga degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellada dhexe